Iska horimaadkan ayaa ka dhacay magaalada Gondar ee waqooyiga Itoobiya, shacabka qawmiyada Amxaarada ayaa rabshadaha bilaabay kadib markii ciidamada amaanka isku dayeen inay xiraan hogaamiyayaasha Qawmiyadaasi ee mucaaridka ah.

Itoobiya-Rabshado-Amxaaro3

Dowlada ayaa sheegtay inay dooneysay inay xirto xubno kamid ah Qawmiyada Amxaarada oo ay ku tilmaamtay Argagaxiso, waxayna bandow kusoo rogtay magaalada Gondar.

Qawmiyada Amxaarada oo lagu sheego tan labaad ee ugu badan wadankaasi Itoobiya ayaa ku eedeenaysa xukuumada talada heysa inay dagaal kula jirto dhaqankooda isla markaana ay cunaqabateyn ku heyso qawmiyadooda.

Itoobiya-Rabshado-Amxaaro2
Amxaarada oo hada ah mucaaridka ayaa aaminsan in ay dib u helaan awoodoodii siyaasadeed, qawmiyadan ayaa sidoo kale sheegata dhulal badan oo ay degen yihiin qawmiyadaha kale sida Tigreega, Oromada iyo Soomaalida. Taasi oo keentay inaysan taageero badan ka helin qawmiyadaha kale ee dalkaasi ku dhaqan.

Xukuumada Itoobiya oo la sheego in awooda ugu badan ay gacanta ugu jirto Qawmiyada Tigreega ayaa cadaadis xoogleh ku hayey Qawmiyada Amxarada oo iyagu ahaa kuwii taariikhda dheer ullahaa Boqortooyadii dalkaasi iyo waliba dowladihii hore.

Maaha Amxaarada Qawmiyada kaliya ee kasoo horjeeda siyaasada xukuumada Itoobiya, qawmiyada Oromada oo ah tan ugu badan dalkaasi Itoobiya ayaa horaantii sanadkan dhigay banaanbaxyo ay boqolaal dad ah ku dhinteen, kadib markii dowlada shaacisay inay la wareegayso dhulbeeraadka nawaaxiga caasimada Addis Ababa oo la doonayey in loo adeegsado mashruuca balaarinta caasimada.

Dhibaatooyinka diabdbayada ayaa waxaa ku geeriyooda tiro dibadbaxayaal ah oo diidan mararka qaar waxyaabaha ee xukuumada Adis-ababa ay ku dhaqaado, mana jirto ilaa hadda cid si toos ah uga hadashay arimiaha diabadbaxyada sababa..

by: ismaaciilmire

Email: radiowanlaweyn@gmail.com