Tirada dad ku dhintey kadib markii lagu jiiray ama la dardarsiiyay baabuur iyo rasaas ka dambeysay magaalada Nice ee dalka Faransiiska ayaa gaartay 85 ruux iyadoo dadka ku dhaawacmayna lagu sheegay 50 ruux.

Dadka ayaa u dabaal degayay maalinta Bastille Day, oo ah feesto guud oo dalka Faransiiska laga sameeyo July 14-keeda. Booliska Faransiiska ayaa sheegay in qofkii ka dambeeyay weerarkan la toogtay.

Qofkii ka dambeeyay weerarkan ayaa la sheegay inuu 31sano jir Faransiis ah balse asalkiisii hore uu ka soo jeedo dalka Tunisiya waxana uu ninkan dardarsiiyay dad faro badan baabuur nooca xamuulka qaada ah isagoo kadibna rasaas ku furay dad badan oo ka badbaaday lugta gaariga.

Qaar ka mid ah dadka ay waxyeelada soo gaartay ayaa ahaa carruur doonaysay inay ka qeybgalaan xaflada maalinta caanka ah dalka Faransiiska ee Bastille Day.

Hub iyo waxyaalaha qarxa ayaa laga helay gaariga uu watay ninka ka dambeeyay falka iyadoo ururka IS ay sheegteen inay ka dambeeyeen weerarkan.

Madaxweynaha Faransiiska, ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid argagixiso. Waxa uu sheegay in Faransiisku ay ahaan doonto mid xooggan. Madaxweyne Hollande ayaa ku hanjabay inay xoojin doonaan weerarada ay ku hayaan ururka IS.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay maalmo kooban kadib markii uu soo dhamaaday tartankii ciyaaraha kubbada cagta ee qaramada Yurub, iyadoo magaalada Nice ay ka mid ahayd magaalooyinkii tartankan lagu qabtay