Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa galabta ka furay garoonka kubada cagta ee Banaadir Istadium tartanka ciyaaraha kubada cagta ee maamulka goboleedyada dalka.

Madaxweyne Xasan Shiikh Max’uud ayaa sheegay in Ciyaaraha heerka Gobol ay si rasmi ah u furan yihiin, waxaana uu xusay in wax lagu farxo ay tahay iney tartamaan xulal kala matalaya maamul Goboleedyada xubnaha ka ah Dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo madax kale ayaa ka qeyb galay furitaanka ciyaarahan.

Tartankan oo bedelay ciyaarihii gobolada dalka ee xiligii berisamaadkii lagu qaban jiray dalka ayaa waxaa ka qeyb galaya lix kooxood oo ku ciyaaraya magaca maamulada dalka kuwaasoo loo kala qeybiyey labo Guruub oo kala ah:-

Guruub-A

Puntland
Banaadir
Koonfur Galbeed.

Guruub B.

Jubbland.
Galmudug
Shabellaha dhexe/Hiiraan.

Kooxda gobolka Banaadir & Kooxda Koonfur Galbeed ayaa fooda isku daray ciyaartii furitaanka tartankan, waxayna soo bandhigeen ciyaar aad u xiise badan oo raali gelisay kumanaan dadweyne oo soo camiray garoonka, iyadoo ciyaarahan toos looga daawanayey qaar ka mid ah baraha xiriirka bulshada sida facebook.
Sagaashankii daqiiqo ee loogu talo galay ciyaartan ayaa ku soo dhamaatay 5-0 oo guushu ay ku raacday kooxdii ku ciyaareysay magaca gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in gobolka banaadir uu martigeliyo tartankan oo uu xusay inuu qeyb ka qaadanayo isdhexgalka bulshooyinka ku dhaqan gobolada dalka.