Wararka ka imaanay adalka Koofurta Sudan ayaa sheegaya in kolonyo gaadiid ah oo ay saaran yihiin ciidamada milatariga Uganda ay ka gudbeen xadka Koofurta Sudan si ay uga soo daadgureeyaan muwaadiniintooda caasimada Jubba oo dagaalo ay ka dhaceeen.

Ugu yaraan konton gaadiidka waaweyn ee xamuulka lagu qaado oo ay galbinayaan gaadiidka hubka ku xiran yihiin ayaa ka gudbay maanta halka loo yaqaan Nimule oo 200km u jirta magaalada Juba, si ay u sameeyaan waddo amaan ah oo ay dadka rayidka ah loogaga soo saaro caasimada Koofurta Sudan ee Jubba.

Sarkaal u hadlay Qaramada Midoobay ayaa ka digay in dagaalka labada dhinac ee isku haysta siyaasada Koofurta Sudan uu dib u bilaaban karo inkastoo xabad joojin labo cisho ah ay jirto.

Sida lagu daabacay shabakada Al Jazeera ciidamada Uganda ayaa gaaray dhinaca koofureed ka xigta labaatan km caasimada Juba, waxayna wararku sheegayaan in Madaxweynaha Koofurta Sudan Kiir uu fasax u siiyay ciidamada Uganda inay soo galaan gudaha Koofurta Sudan.

Sarkaal u hadlay ciidamada Uganda ayaa sheegay in ay doonayaanin ay ka soo daadgureeyaan magaalada Juba dad rayid ah oo u dhashay dalka Sudan kuwaasoo tiradooda lagu sheegay inay gaarayaan saddex kun oo ruux.

qaxo