July 13- Xaflad si heer sare loo soo abaabuley oo lagu Maamuusaayey Xiritaanka Tartan Aqooneed Bisha Ramadaan ka socday degmada wanle weyn ayaa lagu  qabtey Dugsiga Hoose Dhexe sare ee Imaam Nawawi.

Xafladaa waxaa ka soo qayb galey Maamulka degmada iyo dhamaan 16 xaafadood ee ka qayb galey tartanka waxaana halkaa qudbado ka jeediyey wakiilo ka socdey Xaafadaha, Maamulka Radiyo Wanle weyn, Gudigii tartanka dhexdhexaadinayey iyo Masuuliyiinta Degmada dhamaan waxay ka hadleen tartanka siduu ku dhacay qiimaha Waxbarasha.

Gabagabadii waxaa halkaa Abaalmarino lagu gudoonsiiyey Xaafadihii kaalimaha ka galey iyo shaqsiyaad gaar ah.