Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in labo wariye oo 48-kii saac ee la soo dhaafay u xirnaa Ciidamada Nabadsugida ayaa xalay saqdii dhexe la sii daayay.

Labada wariye ee la xiray ayaa lagu kala magacaabaa C/shakuur C/llaahi Shaashaa oo ahaa Agaasimaha Idaacada City FM iyo Wariye C/raxmaan Xuseen Cumar, kuwaasoo habeenkii sabtida ee ku beegneyd 9-ka bisha ay xabsiga u taxaabeen Ciidamada Nabadsugida.

Xoghayaha Guud ee ururka Suxufiyiinta NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa soo dhoweeyay sii deynta Wariyeyaashan, isagoo khadka taleefanka kula hadlay Wariye C/shakuu Shaashaa daqiiqado kadib markii la sii daayay.

C/shakuur Shaashaa oo taleefanka kula hadlay Xoghayaha Guud ee NUSOJ abaarihii 12-ka habeenimo ee xalay ayaa u xaqiijiyay in la sii daayay, isla markaana intii uu xirnaa si wanaagsan loola dhaqmay, balse laga qaaday xoriyadiisa shaqsiyadeed.

Wariye Shaashaa ayaa sheegay inuusan garan karin sababaha loo xiray, isla markaana ay been abuur aheyd arrimaha lagu soo eedeeyay ee loo adeegsaday xarigiisa.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ ayaa weydiiyay Wariye Shaashaa hadii la jirdilay, isagoo xusay in si wanaagsan loola dhaqmay oo aan wax jirdil ah loo geystan.

Macalimuu ayaa sheegay inuu ka xun yahay xarig loo geysto saxafiyiinta ku shaqeeya xaaladaha adag ee ka howl gala Soomaaliya, iyadoo Dastuurka KMG uu dhigayo in la dhowro xoriyada hadalka iyo ilaalinta Saxafiga.

Waxaa uu sheegay inay rajeynayaan in idaacada City FM inay dib hawada ugu soo laabato oo ay howlaheeda dib u bilowda maanta oo Talaado ah.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa dadaal badan u galay sidii loo sii deyn lahaa Wariyeyaasha lagu xiray Jowhar, iyagoo xiriiro toos ah la sameynayay Maamulka, kalana hadlayay in si deg deg ah oo shuruud la’aan lagu sii daayo.