Dibad baxyo looga soo horjeedo tacadiyada ciidamada Booliska u geystaan dadka madaw ayaa ka socda magaalooyin ku yaal Mareykanka, iyadoo ciidamada ay xir xireen dad badan oo sameeyay rabshado.

Dibad baxyadan ayaa galay habeenkii shanaad, waxaana ay hakad geliyeen dhaq dhaqaaqa gaadiidka, boqolaal ruux ayaa la xir xiray.

Ku dhowaad 309 roux ayaa lagu xir xiray magaalooyinka New York, Chicago, St Paul ee gobolka Minnesota iyo meelo kale.

Dibad baxyadan ayaa xoogeystay markii booliska ay todobaadkii hore ku dileen Louisiana iyo Minnesota, labada nin ee madowga la dilay ayaa lagu kala magacaabayay Philando Castile iyo Alton Sterling.

Booliska Mareykanka ayaa sanadihii u dambeeyay toogasho ku dilay dadka madowga ah, waxaana ka dhashay carro aad u weyn iyo kacdoon ay sameynayaan dadka madowga ah.

Tallaabooyin lagu muujinayo tacadiyada bareerka ah ee Booliska caddaanka ayaa bilowday, iyadoo dadka madowga ah ee baabuurta wata ay kaamirooyin ku xireen baabuurtooda.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo Madaxweynihii hore Goerge Bush ayaa maanta lagu wadaa inay tagaan magaalada Dallas, halkaasoo jimcihii lagu dilay shan askari.

Obama ayaa lagu wadaa inuu isku soo dhoweeyo dadka Mareykanka oo qaarkood kala qeybsan, waxaana uu beeniyay in aanay jirin dad kala qeybsan.