Portugal ayaa markeedii ugu horreysay koob caalami ah iyadoo finalka UEFA Euro 2016 ku garaacday martigelieyaashii tartankaan xulka France, ciyaar uu 25 daqiiqo ciyaaray Cristiano Ronaldo kaasoo dhaawac jilibka ah uu soo gaaray.

Faransiiska ayaa fursaddii ugu horreysay ugu ciyaarta soo martay daqiiqadii 10aad ee ciyaarta, daafaca dambeedka dhexe ee xulka Portugal Pepe ayaa fursad yar siiyey Antoine Griezmann kaasoo kubadda ku darbeeyey goolhaye Rui Patricio oo si wanaagsan uga badbaadiyey.

Dhabarjabkii ugu weynaa ahaana sheekadii ugu xiisaha badneyd kulankaan waxay soo martay Portugal daqiiqadii 25aad iyadoo ciyaarta dhaawac looga saaray kabtankooda Cristiano Ronaldo kaasoo ku dhaawacmay raacsho xoogan oo uu kala kulmay Dimitri Peyet waxaana lagu bedelay Ricardo Quaresma.

Moussa Sissoko ayaa fursaddii xigtay Faransiiska ka qasaariyey daqiiqadii 34aad ee ciyaartaan ka dib markii uu goolhaye Rui Patricio ka badbaadiyey darbo xoogan oo uu shabaqa ku beegay. Qeybtii hore ee ciyaarta ayaana sidaasi lagu kala nastay.

Kingsley Coman oo lagu bedelay Peyet ayaa sabab u ahaa inay Faransiisku helaan fursad kale oo dahabi ah daqiiqadii 58aad xiddiga kooxda Bayern Munich ayaa karoos cajiib ah madaxa u saaray Griezmann laakiin wuxuu dulmariyey shabaqa uu waardiyaha ka hayey goolhaye Rui Patricio.

Faransiiska ayaana inta badan hogaanka ciyaarta la wareegay daqiiqadii 75aad, markale Coman ayaa shaqo wanaagsan qabtay kubaddana u dhiibay Olivier Giroud, laakiin goolhaye Rui Patricio oo qaab ciyaareed heer sarre ah ku jiray kulankaan ayaa fursaddaas ka badbaadiyey xiddiga Arsenal.

Daqiiqadii 90aad fursaddii ugu wanaagsaneyd ayaa soo martay martigeliyeyaasha Euro 2016 dalka France, André-Pierre Gignac oo lagu bedelay Giroud ayaana birta ku dhuftay kubad uu si cajiib ah ula soo dhaafay. 90kii daqiiqo ee ciyaarta loogu talogalay ayaana sidaasi kusoo dhammaatay iyadoo 30 daqiiqo oo dheeri ah la isla aaday si natiijada finalka Euro 2016 loo go’aamiyo.

Fursadii ugu fiicneyd 15kii daqiiqo ee ugu horreeyey 30kii daqiiqo ee ciyaarta lagu daray waxay soo martay xulka qaranka Portugal, koorno uu soo qaaday Quaresma ayaa waxaa madaxa la helay Eder laakiin goolhaye Hugo Lloris ayaa si sahlan uga badbaadiyey.

Portugal ayaa daqiiqadii 108aad ku dhowaatay inay helaan goolka furitaanka kulankaan, iyagoo halis u muuqday illaa waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaartaan lagu daray Guerreiro ayaase birta ku dhuftay laadkaas xorta ahaa ee xulkiisa loo dhigay.

109 daqiiqo markii ay mareysay ciyaartaan Portugal ayaa dhalisay goolkeedii ugu weynaa taariikhdeeda kubadda cagta kaasoo ka caawiyey hanashada Euro 2016, koobkoodii ugu horreeyey ee caalami ah waxaana u dhaliyey wiilka caawa dheemanka madoow noqday ee Eder kaasoo shabaqa France kasoo toogtay 25 yards.

Portugal iyo Ronaldo oo caawa ku dhaawacmay bilowgii ciyaartaan ayaana sidaasi ku qaaday Euro 2016.1468185857171_lc_galleryImage_Eder_of_Portugal_scores_t1468185948231_lc_galleryImage_PARIS_FRANCE_JULY_10_Eder1468185958263_lc_galleryImage_Football_Soccer_Portugal_1468180333909_lc_galleryImage_People_watch_on_a_giant_s1468180589840_lc_galleryImage_Portugal_s_goalkeeper_Rui1468180576576_lc_galleryImage_PREVIEW_Ronaldo_jpg1468180566737_lc_galleryImage_Football_Soccer_Portugal_1468180555485_lc_galleryImage_Football_Soccer_Portugal_1468179129059_lc_galleryImage_An_emotional_looking_Cris1468179139381_lc_galleryImage_Portugal_s_forward_Cristi1468176584186_lc_galleryImage_A_photo_taken_on_July_10_1468176816002_lc_galleryImage_French_President_Francois1468177076252_lc_galleryImage_A_general_view_shows_the_1468177721263_lc_galleryImage_France_v_Portugal_EURO_201468177965201_lc_galleryImage_mailonline_sport_grab00031468177957842_lc_galleryImage_mailonline_sport_grab00031468178112278_lc_galleryImage_France_v_Portugal_EURO_201468178618289_lc_galleryImage_vlcsnap_00094_jpg1468178601654_lc_galleryImage_vlcsnap_00091_jpg1468181265699_lc_galleryImage_Portugal_s_defender_Pepe_1468181753166_lc_galleryImage_epa05419313_Bacary_Sagna_1468181901675_lc_galleryImage_epa05419312_Pepe_of_Portu1468182490469_lc_galleryImage_Football_Soccer_Portugal_1468183060137_lc_galleryImage_France_s_forward_Kingsley1468183242287_lc_galleryImage_France_v_Portugal_EURO_201468183593005_lc_galleryImage_Portugal_s_Ricardo_Quares1468184713482_lc_galleryImage_epa05419520_Cristiano_Ron1468184870899_lc_galleryImage_PARIS_FRANCE_JULY_10_Andr1468184860523_lc_galleryImage_epa05419501_Andre_Pierre_1468184850948_lc_galleryImage_PARIS_FRANCE_JULY_10_Andr