Geesigii Portugal ee finalkii Euro 2016 wiilka lagu magacaabo Éderzito António Macedo Lopes kaasoo aad u garan ogtahay Eder ayaa sheegay inuu Cristiano Ronaldo u sheegay isaga inuu dhalin doono goolka guusha ee ciyaartii xalay ka dhacday Stade de France.

Weeraryahanka kooxda Lille ayaa daqiiqadii 79aad bedel kusoo galay kulankii ka dhacay caasimadda Paris, wuxuuna 25 yards ka toogtay goolka xulka tababare Fernando Santos ku hogaamiyey inay guul 1-0 ah ka gaaraan martigeliyeyaashii tartankaan France iyadoo 120 daqiiqo la ciyaaray kulankaan.

Kabtan Captain Ronaldo ayaa isagoo ilmeynaya dhaawac garoonka looga saaray daqiiqadii 25aad ka dib markii uu jilibka jug xoogan ka gaarsiiyey xiddiga kooxda West Ham United iyo xulka France Dimitri Payet, laakiin wuxuu kusoo laabtay kursiga keydka isagoo ciyaartoyda qarankiisa si weyn u dhiirigeliyey markii uu soo dhammaaday waqtigii caadiga ahaa ee ciyaartaan ama 90ka daqiiqo.

28 sanno jirkaan Eder, oo seddax gool u dhaliyey qarankiisa ka hor finalkii Axadii, ayaa sheegay inuu xiddiga Real Madrid rumeysiiyey isaga inuu waqtigiisa qaadan doono isla markaana uu dhalin doono goolka guusha ee qarankiisa.Euro-2016-Final-Portugal-v-France

“Ronaldo ayaa ii sheegay inaan dhalin doono goolka guusha,” ayuu Eder u sheegay wargeyska A Bola ee kasoo baxa dalkiisa. “Wuxuu i siiyey kalsoonidaas. Laakiin goolkaasi wuxuu ahaa mid xulka oo dhan uu si xoogan uga soo shaqeeyey. Kuwo heer sarre ah ayaan aheyn ciyaartaan oo dhan waxaana u carareynay sida mashiino oo kale.

“Waa wax aad u wanaagsan in laguu hambalyeeyo. Waan ogaa inaan fursadeyda heli doono laga bilaabo markii qaranka la iigu yeeray. Tababare Fernando Santos aqoon ayuu u lahaa tayadeyda. Wuuna igu kalsoonaa markasta.”