Antoine Griezmann ayaa daaha ka qaaday in loolanka abaalmarinta FIFA Ballon d’Or uu durba soo dhammaaday ka dib markii xulka Cristiano Ronaldo ee Portugal uu ku guuleystay koobka Euro 2016.

Weeraryahanka Atletico Madrid ayaa ka mid ahaa xiddigihii ugu fiicnaa xulka France intii lagu jiray Euro 2016, wuxuuna qaaday gooldhalinta tartankaan isagoo dhaliyey lix gool.

Inta badan shaqsiyaad magac ku leh kubadda cagta ayaa saadaaliyey inuu Griezmann sannadkaan ku guuleysan doono abaalmarinta Ballon d’Or ee Ciyaaryahanka Sannadka Adduunka ka dib qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa ee uu soo bandhigay xilli ciyaareedkaan.

Laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka France ayaa aaminsan inay abaalmarintaani durba meel u taallo Ronaldo ka dib markii uu kooxdiisa Real Madrid la qaaday koobka UEFA Champions League kuna darsaday koobka Euro 2016 xalay oo Axad aheyd.

“Haddii laga hadlo loolanka FIFA Ballon D’Or, gabi ahaanba wuu soo dhammaaday,” ayuu 25 sanno jirkaani u sheegay saxaafadda ka dib finalkii ka dhacay caasimadda Paris. “Ronaldo ayaa ku guuleysanaya sababtoo ah laba koob oo waa weyn ayuu qaaday xilli ciyaareedkaan.”