Maamulka caasimadda Paris ee dalka France ayaa howlgeliyey shaqaale ammaanka ka shaqeeya oo xoogan si loo hubiyo in aysan wax carqalado ah ka dhicin finalka caawa oo Axad ah ee koobka Euro 2016, majaladda Marca ee dalka Spain ayaana sheegeysa in askarta la howlgeliyey ay gaarayaan 6,800 oo boolis ah.

Akartaan ayaa shaqadooda ugu badan ka qaban doona inta u dhexeysa garoomada, goobaha taageereyaashu ku badan yihiin iyo goobaha lagu iibiyo damaashaado ka hor ciyaartaan, inta lagu jiro ciyaarta iyo marka la gaaro dabaaldegga xulkii ku guuleysta koobka France ama Portugal.

Stade de France oo dhaca waqooyiga magaalada Paris gaar ahaan xaafadda Saint-Denis ayaana waxaa lagu wareegin doonaa hareerihiisa 1,300 askari oo qoryaaleey ah iyo boolis, halka 3,400 oo boolis ah ay ka shaqeyn doonaan goobta loo yaqaano Champs Elysees, halkaasoo la filayo inay noqoto meesha ay midkood taageereyaasha xulalka Portugal ama France ku qabsan doonaan dabaaldeggooda guusha.

Goobaha taageereyaashu ku kulmeen ee u dhow taallada caanka ah Eiffel Tower ayaana shaqaalaha ammaanku si dhow isha ugu heyn doonaan. 700 oo askar ah ayaana loo xilsaaray inay hubiyaan ammaanka goobtas.