Labada xul ee isaga hor imaanaya finalka UEFA Euro 2016 ayaa waxay wataan ciyaartooy magac ku leh kubadda cagta isla markaana koobab badan kusoo guuleystay. Si kastaba ha ahaatee, maqaalkaan ayaan kusoo saari doonaa xulka wata ciyaartoyda kusoo guuleysatay koobabka ugu badan ka hor finalka caawa oo Axad ah.

Portugal iyo France ayaa taariikh kala duwan ku leh kubadda cagta caalamka ka hor finalka UEFA Euro 2016, waxayna labadaan wadan soo saareen ciyaartooy heerka ugu sarreeya ka gaaray kubadda cagta.

Portugal ayaa guul 2-0 ah kasoo gaaray Wales iyagoo kusoo jid maray kulankoodii wareegga afar dhammaadka Euro 2016, halka France ay soo gaartay finalka Stade de France ka dib markii ay isla natiijo nuucaas ah uga soo gudbeen Germany, waxaana labadaan xul laga sugayaa inay garoonka lasoo galaan shaxdooda ugu adag kulankooda caawa.

Si kastaba ha ahaatee, xulkee ayaa heysta ciyaartoyda ku guuleystay koobabka ugu badan? Halkaan hoose ka eeg liiskaan.

CIYAARTOYDA XULKA PORTUGAL IYO KOOBABKA AY KUSOO GUULEYSTEEN

8 UEFA Champions Leagues

2 UEFA Europa Leagues

6 FIFA Club World Cups

2 European Super Cups

1 Intertoto Cup

44 Horyaal

43 Koobabka Maxalliga Ah

37 Super Cups

13 League Cups

Guud Ahaan Ciyaartoyda Xulka Portugal Waxay Kusoo Guuleysteen: 156 Koob

CIYAARTOYDA XULKA FRANCE IYO KOOBABKA AY KUSOO GUULEYSTEEN

1 UEFA Champions League

1 UEFA Europa League

1 FIFA Club World Cup

35 Horyaal

23 Koob Oo Maxalli Ah

35 Super Cups

17 League Cups

Guud Ahaan Ciyaartoyda Xulka France Waxay Kusoo Guuleysteen: 113 Koob

Inkastoo looga cadcad yahay hanashada tartankaan wiilasha tababare Fernando Santos ayaa kusoo guuleystay koobabka ugu badan marka la isla barbardhigo ciyaartoyda ay watan labada xul. Waxayna heystaan Cristiano Ronaldo iyo Ricardo Quaresma labada xiddig ee kasoo qalin jebiyey akadeemigga Sporting Lisbon ayaana ku guuleystay min 18 koob.

YAA KU GUULEYSTAY KOOBABKA UGU BADAN?

Haddii shaqsi ahaan loo fiiriyo waxaa xisaabta ugu badan heysta daafaca dambeedka bidix ee xulka France Patrice Evra kaasoo 20 koob kusoo guuleystay wuxuuna usoo ciyaaray kooxaha Manchester United iyo Juventus. Waana xiddiga keliya ee xulka France u matalaya Euro 2016 ee kusoo guuleystay koobka Champions League.

SHAN CIYAARYAHAN OO AAN WELI KOOB QAADIN

Xulka Portugal ayaa heysta seddax ciyaaryahan oo aan weli wax koob ah ku guuleysan xirfaddooda kubadda cagta, halka France ay heystaan laba ciyaaryahan, waana José Fonte, Raphaël Guerreiro iyo Danilo oo dhanka Selecção das Quinas ah iyo Benoît Costil iyo Moussa Sissoko oo dhanka Les Bleues ah