Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa beeniyay in dadka Mareykanka ay kala qeybsameen, kadib toogashadii dhex martay Booliska iyo dadka madawga Mareykanka.

Obama ayaa soo afjaray booqasho uu ku marayay Yurub, gaar ahaan dalka Spain oo aheyd lugtii u dambeeyay booqashadiisa inta uu xilka haayo.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in aysan run aheyn farqiga jinsiyada inuu gaaray heerkii 1960, xilligaasoo dadka madawga iyo caddaanka uu ka dhaxeeyay naceyb iyo khilaaf daran.

Ciidamada Booliska ayaa maalmihii u dambeeyay toogasho ku dilay dad madaw ah gobolada Minnesota iyo Louisiana, waxaana jimcihii nin madaw ahaa oo ka tirsana Ciidamada Milateriga Mareykanka uu toogasho ku dilay shan askari magaalada Dallas.

Obama ayaa booqan doona magaalada Dallas, halkaasoo lagu laayay askartii Booliska aheyd, waxaana uu ku baaqay in qof kasta oo Mareykan ah looga baahan yahay inuu cadaalada u istaago.

Si kastaba ha ahaatee dibad baxyo looga soo horjeedo toogashada Booliska ay ku hayaan dadka madawga ah ayaa ka dhacay magaalooyin ku yaalla Mareykanka