Cristiano Ronaldo ayaa ku adkeysanaya inuu xulkiisa Portugal diyaar u yahay inay burburiyaan baashaalka xulka France ee tartanka Euro 2016 iyagoo finalka tartankaan ku garaacaya xulka martigelinaya madashaan caawa oo Axad ah.

Xiddiga Real Madrid Ronaldo ayaa daaha ka qaaday inay Les Bleus ugu cadcadahay inay koobkaan ugu dabaaldegto Stade de France caawa, laakiin wuxuu filayaa inuu xulka Portugal si lama filaan ah ugu guuleysan doono koobka Euro 2016.

31 sanno jirkaan ayaa goobjoob u ahaa iyadoo Greece ay koobka European Championships ka qaadayaan qarankiisa sannadkii 2004tii markaasoo ay Portugal martigelisay tartankaas, wuxuuna doonayaa in aysan ku dhicin wixii ku dhacay 12 sanno ka hor isagoo caawa ciyaaraya finalka koobkiisii labaad ee caalami ah isagoo xiran maaliyadda qarankiisa.

“Marka aan ka hadlo aragtideyda, France ayaa ugu cadcad hanashada Euro 2016 sababtoo ah waxay ku ciyaarayaan gurigooda taasna waa faa’iido weyn,” Ronaldo ayaa sidaasi u sheegay hillinka rasmiga ah ee EURO 2016.

“Dalkooda oo dhan ayaa taageeri doona, laakiin kulankaani waa finalka Euro 2016 wax kasta ayaana ka dhici kara. Waan isku diyaarinay kulankaan waxaana hubaal ah inay adkaan doonto inay naga badiso France. Tan iyo bilowgii tartankaan ma jiro xul naga adkaaday, waxaana filayaa inay France ku guuldarreysato inay naga adkaato kulankaan.”