France ayaa finalka tartanka Euro 2016 ku wajaheysa xulka Portugal caawa oo Axad ah iyagoo doonaya inay koobka European Championship markoodii labaad ku qaadaan ciidooda.

Xulka tababare Didier Deschamps ayaa heysta fursad ay ku gaaraan xulkii France ee tartankii Euro 1984, markaasoo uu Michel Platini si rikoor ah sagaal gool uga dhaliyey madashaan isla markaana uu koobkaan u gacan geliyey qarankiisa.

  • Xulalka Kulmaya: Portugal vs. France
  • Saacadda: 10pm (Xilliga Geeska Africa)
  • Garoonka Kulanka: Stade de France (Paris)
  • Marxaladda Kulanka: Finalka Tartanka Euro 2016
  • Garsooraha Kulanka: Mark Clattenburg (England)

Faransiisku waxay wajahayaan xulka Portugal oo isha ku haya inay markoodii ugu horreysay ku guuleystaan koob caalami ah oo weyn, Portugal ayaa guuldarro 1-0 ah kala kulantay xulka Greece finalkii Euro 2004 waana marka keliya ee ay kasoo muuqdeen kama dambeysta European Championship.

CR7 oo goolna dhaliyey goolna caawiyey xilli Portugal usoo baxday finalka Euro 2016

CR7 oo goolna dhaliyey goolna caawiyey xilli Portugal usoo baxday finalka Euro 2016

Portugal ayaa laga badiyey tobankii kulan ee ugu dambeeyey ee ay wajahday xulka France, oo wata Antoine Griezmann kaasoo ah gooldhaliyaha ugu sarreeya tartankaan ka dib markii uu dhaliyey lix gool, laakiin xiddiga qadka dhexe ee xulka Portugal Joao Mario ayaa aaminsan inay si lama filaan ah ugu guuleysan karaan koobka Euro 2016 oo caawa lasoo dhigi doono Stade de France.

“France waxay ku ciyaarayaan gurigooda laakiin ma aysan soo bandhigin qaab ciyaareed soo jiidasho leh,” ayuu u sheegay saxaafadda. “Waan ognahay inay markasta naga badiyaan laakiin guuldarrooyinkaas ayaa noqon doona kuwa nagu dhiirrigelin doona inaan garaacno.

Didier Deschamps oo ahaa kabtankii France u qaaday World Cup 1998 oo ay martigeliyeen

Didier Deschamps oo ahaa kabtankii France u qaaday World Cup 1998 oo ay martigeliyeen

“Warbaahinta Faransiisku durba waxay guusha u hubiyeen xulkooda France. Hore ayaa nalooga soo qaaday finalka European Championship laakiin markaan waan ku guuleysan karnaa. Ixtimaalku ma ahan wax la tirsado kulankaan oo kale sidaas darted dadka Portugal oo dhan ayaa madaxeena sharad ku dhigan kara.

“Ma jiro dareen la mid ah inaad finalka tartan nuucaan oo kale ah u ciyaarto dalkaaga sidoo kale taasi waxay noqon doontaa midda ina dhiirigelisa.”

  • MAXAA KA CUSUB KULANKAAN?

Daafaca dambeedka dhexe ee Real Madrid Pepe ayaa qarka u saaran inuu taam u noqdo inuu kusoo bilowdo safka Portugal finalka Euro 2016 ee ay Axada ku wajahayaan xulka France ka dib markii uu kusoo laabtay tababarka buuxa ee xulkiisa qaranka.

Daafaca Real Madrid ayaa seegay kulankii Arbacadii ee semi-finalka tartankaan ee ay guusha ka gaareen Wales markaasoo uu dhaawac bowdada ah la dhibtoonayey, wararka ayaana sheegayey inuu shaki ku jiro finalka Paris ee ay ka hor imaanayaan xulka martigelinaya tartankaan, laakiin hadda taam ayuu u yahay ciyaarta caawa.

William Carvalho ayaa sidoo kale la filayaa inuu kusoo laabto safka koowaad ee Portugal ka dib markii uu ganaax ku seegay ciyaartii ay wareegga afar dhammaadka kusoo dhaafeen qaranka Wales.

William Carvalho oo seegay kulankii semi-finalka ka dib jaallihii uu qaatay ciyaartii Poland

William Carvalho oo seegay kulankii semi-finalka ka dib jaallihii uu qaatay ciyaartii Poland

Dhanka kale, xulka France ma qabo wax dhaawacyo ah ama ganaax ah ka hor kulankaan. Martigeliyeyaasha tartankaan ayaana wax isbedel ah ku sameyn safkooda koowaad shan kulan oo xiriir ah markii ugu horreysay taariikhdooda European Championship ciyaartii ay semi-finalka kusoo khaarajiyeen Germany, tababare Deschamps ayaana la filayaa in uusan Axada wax isbedel ah ku sameyn shaxdiisa markale.

  • MA OGTAHAY?

Kulankaani wuxuu noqon doonaa midkii afaraad ee ciyaaraha kama dambeysta tartan caalami ah ku dhexmara xulalka Portugal iyo France. Iyadoo xulka Faransiisku uu badiyey seddaxdii kulan ee hore oo dhammaantood ahaa heerka semi-finalka, waana Euro1984, Euro 2000 iyo Koobkii Adduunka 2006.

Portugal ayaa ah xulka ciyaaray kulamada ugu badan ciyaaraha kama dambeysta ah ee tartamada European Championships iyagoo aan abid koobkaan ku guuleysan waxayna ciyaareen 34 kulan.

Griezmann oo ku ciqaabay Germany laba qalad oo ay sameeyeen kana dhalinaya goolkiisii labaad

Griezmann oo ku ciqaabay Germany laba qalad oo ay sameeyeen kana dhalinaya goolkiisii labaad

Ka hor Portugal, xulalka keliya ee iyagoo kaalinta seddaxaad uga soo baxay group-kooda gaaray finalka tartan weyn sida Koobka Adduunka iyo European Championships waxay ahaayeen Argentina Koobkii Adduunka 1990kii iyo Italy oo isla finalka Koobka Adduunka afar sanno ka dib, balse midkoodna ma qaadin koobka.

Portugal ayaan dhinacooda dhulka la dhigin 13 kulan oo uu hogaamiyey tababare Fernando Santos iyagoo badiyey sagaal ka mid ah halka afar kulan ay barbardhac galeen. Sideed ka mid ah sagaalkaas guul waxaa go’aamiyey natiijadooda farqi hal gool ah.

Marka laga hadlo tartamada waa weyn, Portugal waxaa laga badiyey keliya hal kulan 13kii kulan ee ugu dambeeyey, waana ciyaartii ay wajaheen Germany wareeggii group-yada Koobkii Adduunka 2014kii.

Portugal lagama adkaan 13 kulan oo tartan rasmi ah uu ku hogaamiyey Fernando Santos

Portugal lagama adkaan 13 kulan oo tartan rasmi ah uu ku hogaamiyey Fernando Santos

Portugal ayaa waxaa laga dhaliyey keliya hal gool shantoodii kulan ee ugu dambeeyey ciyaaraha bugbaxda European Championships, waana kulankii ay wareegga quarter-finalka Euro 2016 ku wajaheen xulka Poland.

Kani wuxuu noqon doonaa finalkii shanaad oo tartan weyn ah ee ay soo gaarto France. Waxayna ku guuleysteen seddax ka mid ah afartii kama dambeys oo ay hore usoo ciyaareen waana finalkii Euro 1984, Euro 2000 iyo midkii Koobkii Adduunka 1998dii, halka laga qaaday finalkii ugu dambeeyey ee ay soo gaareen Koobkii Adduunka 2006dii.

France lagama adkaan 18koodii kulan ee ugu dambeeyey tartan weyn iyagoo ku ciyaaraya ciidooda, waxayna badiyeen 16 kulan oo ka mid ah, halka laba kulan ay barbardhac galeen.

Keliya Germany iyo Spain oo min seddax jeer hantay European Championships ayaa koobkaan ku guuleystay in ka badan Faransiiska oo laba jeer qaaday.

France ayaa ah xulka ugu goolasha badan Euro 2016 iyagoo dhaliyey 13 gool lix kulan oo ay ciyaareen. Kamana dhalin goolal sidaan u badan hal tartan oo weyn tan iyo Euro 2000 markaasoo ay isla 13 gool dhaliyeen tartankana qaadeen.

Ronaldo ayaa rajeynaya inuu Portugal u qaado koobkoodii ugu horreeyey ee weyn

Ronaldo ayaa rajeynaya inuu Portugal u qaado koobkoodii ugu horreeyey ee weyn

Portugal ayaa badisay seddax ka mid ah afar kulan oo tartan caalami ah markii rigoore la isla aaday si natiijada ciyaarta loo go’aamiyo taasoo ka dhigan inay boqolkiiba 75 guuleysteen marka rigooreyaal la isla aaday. Keliya Germany ayaana ka rikoor wanaagsan marka la fiirsho xulalka Yurub ka dhisan ee ka qeyb qaatay ugu yaraan afar ciyaar oo rigooreyaal la isla gaaray rikoorka Jarmalkuna waa boqolkiiba 86.

Dhanka kale, France ayaa boqolkiiba 50 badisay ciyaareheeda markii rigooreyaal la isla gaaray, maadaama ay badisay seddax ka mid ah lix kulan oo rigooreyaal la isla gaaray si guushu ay dhinac u raacdo.

Cristiano Ronaldo ayaa ciyaaray kulamo European Championships ah oo ka badan ciyaaryahan kasta waana 20 kulan. Midkoodna seddaxdiisa gool ama labadiisa caawinaad ee uu ka sameeyey Euro 2016 kama imaan meel aan ka aheyn garoonka Parc Olympique Lyonnais.

Ronaldo ayaa sidoo kale haatan barbareeyey rikoorkii gooldhalinta guud ee Platini ee European Championships. Laakiin abid gool kama dhalin xulka France isagoo wadar ahaan ka horyimid 234 daqiiqo.

Griezmann ayaa ka mid ahaa xiddigihii ugu shinaa tartankaan Euro 2016

Griezmann ayaa ka mid ahaa xiddigihii ugu shinaa tartankaan Euro 2016

Griezmann ayaa dhaliyey ama caawiyey goolal ka badan ciyaaryahan kasta intii lagu jiray Euro 2016 waana lix gool oo uu dhaliyey iyo laba gool oo uu caawiyey. Wuxuuna heystaa fursad uu ku noqon karo ciyaaryahankii seddaxaad ee Faransiis ah eek u guuleysta gooldhalinta tartan weyn ka dib Just Fontaine oo qaaday gooldhalinta Koobkii Adduunka 1958dii iyo Platini oo qaaday gooldhalinta Euro 1984.

Deschamps ayaa noqon kara shaqsigii labaad ee ku guuleysta koobka European Championships isagoo ciyaaryahan ah iyo isagoo macalin ah ka dib Berti Vogts oo bedel aan la isticmaalin ahaa finalkii Euro 1972 ka dibna isagoo macalin ah ku guuleystay Euro 1996. Deschamps ayaana ahaa kabtankii France u qaaday Koobkii Adduunka 1998dii iyo Euro 2000.

  • SHAXDA MACQUULKA AH EE KULANKAAN

Portugal (4-4-2): Rui Patricio – Guerreiro, Pepe, Fonte, Soares – Mario, Sanches, Danilo, Silva – Nani, Ronaldo.

France (4-2-3-1): Lloris – Sagna, Umtiti, Kolscielny, Evra – Matuidi, Pogba – Sissoko, Payet, Greizmann – Giroud.