Maalin wanaagsan dhamaan aqristeyaasheena sharafta mudan kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wargeysyada iyo waxyaabihii ay ka qoreen suuqa kale iibsiga ciyaartooyda, sida caadada inoo ahba waxaan war waliba ku hor qornay halkii ama wargeyskii aan ka soo qaadanay xaqiiqada iyo jiritaanka warkaana waxaa ka masuul ah boga aan ka soo xiganay.

daily mirror

Jurgen Klinsmann ayaa wadahadalo kula jira xiriirka kubada cagta Ingariiska ka dib markii uu noqday ninka ugu cadcad shaqada xulka England.

Arsenal ayaa diiday dhowr kooxood oo ugu soo dhawaaday inay ka iibsadaan weeraryahanka France Oliver Giroud inkastoo ay ku raad joogaan Alexandre Lacazette iyo Alvaro Morata.

Kooxda Shanghai ee dalka China ayaa dalab 35 milyan ginni ah ka soo gudbisay N’Golo Kante iyadoo ceyrsashada loogu jiro xiddiga khadka dhex ee Leicester City ay sii kululaaneyso.

West Ham ayaa iska diiday fursad ay kula soo wareegto Robin van Persie inkastoo xiddigii hore ee Arsenal iyo Manchester United uu diyaar u ahaa inuu kala bar dhimo mushaharkiisa uu haatan ka qaato Fenerbahce.

Chelsea ayaan weli ka quusanin daafaca koxoda Juventus Leonardo Bonucci, inkastoo Manchester City ay diyaar u tahay inay 51 milyan ginni ku dalbato.

the sun

Pep Guardiola ayaa siin doona Joe Hart iyo Raheem Sterling fursad ay ku cadeeyaan inay qeyb ka noqon karaan kacaanka cusub ee Manchester City, laakiin xiddigaha England ee fashilmay ayaa loogu hanjabay in kooxda laga diri doono haddii aysan dadaal dheeraad ah muujinin.

Xiddiga kooxda Juventus iyo France Paul Pogba ayaa u sheegay asxaabtiisa inuu diyaar u yahay inuu ku laabto Manchester United ka dib marka uu soo dhamaado koobka Euro 2016.

Eden Hazard ayaan qorsheyneynin inuu ka tago Chelsea xagaagan, waxaana uu diyaar u yahay inuu kooxda ka noqdo ciyaaryahan ‘special’ ah xilli ciyaareedka danbe.

West Ham ayaa u ku dhawaad dalab 20 milyan ginni ah u soo bandhigtay kooxda Napoli iyagoo doonaya weeraryahankooda Manolo Gabbiadini, sida ay ku waramayaan saxaafada Talyaaniga.

DAILY STAR

Liverpool ayaa xiiseyneysa xiddiga 21ka milyan ginni lagu qiimeeyay ee kooxda Benfica Talisca xagaagan.

West Brom ayaa u soo bandhigtay weeraryahankeeda Saido Berahino qandaraas cusub oo ku kacaya 10 milyan ginni.

daily mail

Arsenal ayaa diiday dalab 30 milyan ginni ah oo ay kooxda Juventus ka soo gudbisay weeraryahanka xulka Chile Alexis Sanchez.

Isbedelka lagu sameeyay raga suuqa kala iibsiga uga shaqeeya Manchester United ayaa keentay in leyliyihii hore ee Rangs Tommy Moller Nielsen inuu noqdo indhaha iyo dhegaha cusub ee Man United ee Scandinavia.

Kooxda Crystal Palace ayaa dul dhigtay qiimo gaaraya 28 milyan ginni Yannick Bolasie ka dib markii uu kooxda yimid Andros Townsend.

daily express
Macalinka kooxda Everton Ronald Koeman ayaa qirtay inay macquul tahay inuu xagaagan Manchester United kala soo wareego xiddiga reer Spain Juan Mata.

Xiddiga kooxda West ham Enner Valencia ayaa ku dhow inuu u wareego kooxda Talyaaniga ee Lazio sida uu sheegay wakiilkiisa.

 

Xiddiga kooxda AC Milan Carlos Bacca ayaa qarka u saaran inuu heshiis 26 milyan ginni ah ugu wareego kooxda West Ham.

Kooxda Leicester City ayaa ceyrsaneysa daafaca kooxda Burnley Michael Keane ka dib markii ay la soo wareegeen Ahmed Musa oo ay ka soo bixiyeen lacag rikoor u ah kooxda oo gaareysa 16 milyan ginni.

the times

Macalinka xulka Wales Chris Coleman ayaa sheegay inuu isaga tagi doono shaqada qarankiisa ka dib Koobka Adduunka ee 2018.