Daafaca dambeedka dhexe Mamadou Sakho ayaan laga qaadi doonin tallaabooyin dheeraad ah oo dhanka sharciga ah ka dib markii lagu helay dembi ah inuu isticmaalay dawooyin ka mamnuuc ah inay isticmaalaan xirfadleyaasha isboortigu.

Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaana ku dhawaaqay in haatan la laalay baaritaannadii ku socday daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Liverpool.

Daafaca heerka caalami ee dalka France ayaa dhiiggiisa laga  helay inuu isticmaalay dawooyin lagu dhimo cayilka iyadoo baaritaankaas lagu sameeyey kulankii ay Liverpool tartanka UEFA Europa League ku wajahday Manchester United ee ka dhacay Old Trafford bishii March ee sannadkaan, waxaana garka loo geliyey ganaax 30 cisho ah.

Laakiin UEFA ayaa haatan ku dhawaaqday inaan la kordhin doonin ganaaxa Sakho inkastoo ay xaqiiqadu tahay inuu isticmaalay liis dawooyin ah oo aan loo ogoleyn xirfadle kubadda cagta ah isla markaana keeni kara inuu tayo ahaan sarre u kaco qaab ciyaareedkiisu.

Ganaaxaas ku meel gaarka ah ayaa Sakho u diiday inuu ciyaaro finalka Europa League kaasoo ay guuldarro kala kulmeen Sevilla, halka aan sidoo kale loo soo xulan ciyaartoyda France ee ka qeybgelaya tartanka Euro 2016 kaasoo ay finalkiisa ku wajihi doonaan Portugal habeenka Axada ah