Xulka Portugal ayaa waxaa uu helay khabar wanaagsan ka hor finalka Euro 2016 ee ay Axada ku wajahayaan xulka France, iyadoo daafacooda dambeedka dhexe Pepe uu kusoo laabtay tababarka buuxa.

33 sanno jirkaan ayaa inta badan Isbuucaan wuxuu qaadanayey tababar kalinimo ah ka dib markii uu soo gaaray dhaawac cajirka ah oo uu ku seegay kulankii ay semi-finalka Euro 2016 ay guusha 2-0 ah ka gaareen Wales.

Si kastaba ha ahaatee, daafaca dambeedka dhexe Real Madrid ayaa ka qeyb qaatay tababarka buuxa ee xulka tababare Fernando Santos ay ku sameeyeen xeradooda tababarka Marcoussis subaxnimadaan Sabtida ah, waxayna u muuqataa inuu taam u noqon doono finalka Axada ka dhici doona Stade de France.

Marka laga reebo kulankii xulkiisa ee wareegga semi-finalka, Pepe ayaa ciyaaray kulan kasta oo xulkiisa Portugal ah intii lagu jiray bandhiggaan.