Diyaaradii u horeysay oo Ruush ah, taasoo siday 189 dalxiisayaal ah ayaa maanta ka degatay magaalada Antalya ee dalka Turkiga, kadib muddo sideed bilood oo uu hakad galay safaradii dalxiiskaoo ka dhashay xiisad dhinaca diblomaasiyada oo u dhaxeysa dalalka Ruushka iyo Turkiga.

Diyaarada Rossia Airlines ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha caalamiga ee Antalya oo ah magaalo loo dalxiis tago oo ku taala Badda Medditeranean-ka.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa qaaday xayiraadii dhinaca dalxiiska uu ku soo rogay Turkiga, tan iyo markii uu xumaaday xiriirkii labada dal, kadib markii Turkiga uu soo riday diyaarad dagaal uu lahaa Ruushka oo ku soo xadgudubtay hawada Turkiga bishii November.

Dalxiisayaashan ayaa noqonaya kuwii u horeeyay ee Ruush ah oo gaara Turkiga, tan iyo markii xiriirka labada dal uu xumaad, iyadoo Ruushka uu mamnuucay alaabaha uu ka iibsado Turkiga iyo waxyaabihii kale ee looga soo dhoofin jiray.

Labada dal oo leh xiriir dhinaca ganacsiga ayaa haatan waxaa dib u soo laabanaya xiriirkooda, iyadoo Madaxweynaha Turkiga uu raalli gelin ka bixiyay diyaaradii ay ka soo rideen Ruushka