July 9-Kabtanka xulka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa qirtay inuu xulka France noqon doono midka ugu cadcad finalka Euro 2016 ee Axada ka dhici doona caasimadda Paris, laakiin wuxuu weli filayaa inay guushu raaci doonto qarankiisa Portugal.

Ka dib niyadjabkii finalkii Euro 2004 – markaasoo xulka Greece uu Ronaldo iyo qarankiisa Portugal guuldarro 1-0 ah ku huwiyey dalkooda, xiddiga Real Madrid ayaa doonaya in uusan ogolaan inay guuldarro kale kula dhcdo finalka European Championship isagoo heysta fursad uu qarankiisa ugu qaadi karo koobkoodii ugu horreeyey ee caalami ah.

“Wax badan ayey iila micno noqon laheyd ku guuleysiga Euro 2016. Waa wax aan markasta ku riyoon jiray inaan qarankeyga u qaado koob weyn,” Ronaldo ayaa sidaasi u sheegay UEFA.com.

“Koob kasta oo heer kooxeed ah waan ku guuleysta, billad kasta oo heer shaqsi ah waan ku guuleystay, inaan qarankeyga Portugal u qaado Euro 2016 waxay ii noqon laheyd libin weyn.

“Waxaan aaminsanahay inay taasi macquul tahay, sidaas oo kale waxaa aaminsan ciyaartoyda xulka oo dhan sidoo kale dalkeyga oo dhan ayaa laga aaminsan yahay inaan ku guuleysan karno Euro 2016. Waa inaan si wanaagsan u fikirnaa sababtoo ah finalka Axadu wuxuu noqon doonaa markii ugu horreysay ee ay Portugal ku guuleysato koob weyn oo caalami ah.”