Macalin Pep ayaa saxaafada hor fariistay isagoo ka jawaabay su’aalo laga weydiinayay kooxdiisa wuxuuna ka hadlay dhamaan qodobadaaan aan hoos ku soo qaadanay.

Ka Hor Imaatinka Conte.

“Waa mudane shax ciyaarle ! Waa wax aad u wanaagsan inaan la tartamo isaga, iyo macalimiibta kale ee wanaagsan”.

Xifaaltanka Jose Mourinho, Klopp Iyo Macalimiinta Kale “WUxuu halkaan u joogaa inuu guuleysto ana waxaan halkaan u joogaa inaan guuleysto, su’aal kale yaanan la iga weydiin Jose, Jose si fiican ayuu u hadlay, ma aha wax ka dhexeeya aniga iyo isaga, kuwi kale ayaa guuleysanaya hadana isku mashquulno, markaan meel sare ka eego, waxaan igonaayaa iney tahay wax adag, taasna aniga ayeey qasaaro igu ridi doontaa, waan wada ciyaarnay labadeena, aniga iyo maclaimiin kale, isaga, Jurgen Klopp iyo maclaimiin kale ayaa iga dhigay kan aan maanta ahay maadaama ay ila xifaaltameen”.

Jose-Mourinho-and-Josep-Guardiola

Shaqaalihiisa Tababarka “Kidd si fiican ayuu u yaqaanaa kooxda, Arteta si wanaagsan ayuu u garanayaa Premier League, taasna wey i caawin doontaa, wuxuu halkaan soo joogay 12 ilaa 13 sano wuxuu yaqaana macanaha Boxing Day taasna waa ay i caawineysaa”.

Raheem Sterling Iyo Joe Hart “England wey guuldareysatay taasna ma aha inuu sabab u ahaa Raheem Sterling, waan ogahay lacagtii laga bixyay ayaa madax xanuun ku noqotay, laakin cid waliba wey ogtahay tayadiisa, waxaan aad u sugayaa inaan la shaqeeyo isaga, ma aha kaligiis, ee Joe Hart iyo kuwo kale oo badan oo ingiriis ah, waan ogahay in ciyaartoyda ingiriiska ay ka qaalisan yihiin kuwo kale taas ayaana ah waxa maskaxdooda daga”.

Sterling and Hart

Miyuu Helay Shaqo Koox Kale oo Ingriis Ah ? “Xaqiidii kooxdaan kaliya ayaa isoo wacda, waligeyna waan uga mahad celin doonaa iney i siiyeen fursadaan aan ugu soo biiro Premier League, waan ogahay in macalin waliba uu doonayo inuu naftiisa ku cadeeyoPremier League,  Man City waxay i siisay fursad waana dadaali doonaa.”

pep-guardiola-manchester-city-press-conference_3739973

PEP GUARDIOLA Iyo Saxaafda Ingiriiska “Mar waliba waxaan ku noqdaa Nervous, waan idin ka cabsanayaa dhamaantiin, waa taas sababta aan xoogaa idiinkaga fogahay, waxaan isku dayi doonaa inaan wanaag dhan sameeyo si aan idiinkaga fogaado, waan ogahay markaan xumaan sameeno ineydaan na caawin doonin”.

Vicent Kompany “Ma jirto qof shaki galin karta tayada Kompany, cid waliba ayaa taqaana intaan aniga ka aqaano in ka badan, dhibtiisa ayaa ah inuusan taam buuxa noqon sidaasi darteed waan la hadlay waan u sheegay inuu diyaar noqdo, waan u sheegay inuu ka taxadaro caafimaadkiisa kuna soo laabto siduu ahaa labo sano ka hor sidii uu ahaa”.

Kompany

Ciyaartooyda Diyaarada U Saaran “Ma jiraan ciyaartooy diirada ii saaran oo gaar ah, waxaan eegi doonaa sida ugu wanaagsan ee aan kooxdeena ku xalin karno waad ogtihiin koox waliba oo aduunka ah ayaa dooneysa iney horumariso ciyaartoydeeda, waxaan raadin doonaa dhowr xal laakin halkaan kama sheegayo magaca ciyaariyahan anigoo xushmeeynaya ciyaartooyga iyo kooxdiisa”.

Farqiga Barcelona iyo Manchester City “Waxaan halkaas ku heystay ciyaariyahanka ugu fiican aduunka, lama mid aha halkaan, waxaan ka shaqeyn doonaa sida ugu fiican inaan guulo ku gaarno

Shiekh Mansour iyo Wixii Uu U SHeegay “Waan wada hadalnay wuxuu ii sheegay inaan qabsado hwosheeda shaqsiga ah, wuxuu doonayaa koox ana waxan doonayaan koox guuleysata, waana taas waxaan ka simanahay, howl fiican ayaan ka qaban doonaa Champions League, isaga wuxuu ku nool yahay Dubai ana waxana ku noolaan doonaa halkaan Manchester ”

Mustaqbalka Yaya Toure “Wax badan ayaan aqaanaa Yaya, shaqo fiican ayuu ka qabtay Barcelona, wuxuu leeyahay tayo aan caadi aheyn, dhamaan ciyaartiooyda halkaan jooga ayaa ii tirsan, ma aha kaliya Yaya”.

Yaya

Miyuu U joogaa halkaan inuu cadeeyo naftiisa ? “Waxaan halkaan u joogaa inaan cadeeyo nafteyda, dadka waxay sheegaan inaan awoodi doonin inaan sameeyo wxiii ana ku sameeyay Barcelona iyo Bayern Munich, waa tartan kale, halkaas ayaa ii raaxo badneyd laakin waxaan halkaan u imid inaan muujiyo awoodeyda”.
Shaqadiiisii Ugu Adkeyd Abid Ma Tahay ?“Ma ogi, waa inaad adkaataa kulan waliba, taasi waa wax ku adag England, waa wax adag in afar, shan, lix kulan oo xiriir ah la adkaado, macaliminta kale waxay heystaan khibrad ka badan mideyda,waana ay sheegaan midaas, tartanka waa inaan joogteeyno qaab ciyaareedkeena, laakin marwaliba waxaa la iga dalbadaa taasoo cadaadis badan ayaa i saarnaa doonaan”.
Agabka Tababarka Ee Etihad “Waa wax aad u wanaagsan, markii aanan si fiican u ciyaarin sababta ma noqon doonto qabalka tababarka, waa wax cajiib u ah kooxdaan, mujtamaca Manchester, hambalyo ayeey mudan tahay kooxda.

CFA Sky.jpg

CFA Sky.jpg

Fariinta Taageerayaasha Man CIty “Adkeysta suunkiina, dhexda xirta, waxaan imaday halkaan 10 maalmood ka hor waxaan wali ku jiraa inaan barto ciyaartooyda, waxaan sameyn doonaa wax waliba oo ay ku wanaagsanaan doona ciyaartooydeena iyo jamaahiirta, taageerayaasha waa iney xaqiijiyaan farxada ciyaartooyda, Waxana horumarin doonaa kooxda anigoo soo iibsanaya ciyaartooy iibniayana kuwo kale, waxaan xili horeba arkayaa hadalka badan ee saxaafada ingiriiska”