Marcelo Bielsa ayaa iska casilay shaqada tababarenimo ee Lazio labo maalmood ka dib markii loo magacaabay shaqadaas.

Waxaa arbacadii la shaaciyay in tababarihii hore ee xulka Chile inuu yahay tababaraha kooxda Lazio iyadoo warbixin rasmi ah oo kooxda ka soo baxday lagu xaqiijiyay warkaas.

Lazio ayaa haatan soo saartay war kale oo rasmi ah oo ku sheegeyso sida ay u la yaaban yihiin iscasilaada Marcelo Bielsa, waxaana ay tababare u magacaabeen Simone Inzaghi.

3357762_heroa

Ka dib markii 60 jirkaan uu u saxiixay kooxda Biancocelesti islamarkaana uu noqday tababaraha cusub, si lamo filaan ayaa isku gediyay waxaana uu soo xijiyay dhabarka danbe.

Kooxda ayaa sheegtay inay la yaab ku noqotay iscasilaada Marcelo Bielsa ka dib labo maalmood uu ahaa macalinka kooxda, waxaana ay sheegeen inuu jabiyay qandaraaskii uu saxiixay isbuucii hore, waxaana ay ku hanjabeen inay talaabo dhanka sharciga ah ka qaadi doonaan Bielsa.