Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa kulan gaar ah kula qaatay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga.

Labada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay arrimaha dib u dhiska ciidamada, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu balan qaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo sidii dib loogu dhisi lahaa awooda ciidamada xoogga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay inay ka go’an tahay in Soomaaliya ka caawiyaan wixii ay u baahan yihiin oo ay awoodaan, si dalka iyo ciidamada loogu sameeyo dib u dhis dhameystiran.

“Inkastoo ciidamadeena qaybta ka ah hawl-galka AMISOM ee Soomaalia, ay ka shaqeeyeen sidii Ammaanka loo xoojin lahaa, haddana waxaa lagama maarmaan ah in la dhiso ciidamada Soomaaliya si ay amniga Waddankooda u xaqiijiyaan” ayuu yiri Hailemariam Desalegn.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cumar C/rashiid oo la hadlay warbaahinta ayaa ku ammaanay Itoobiya kaalinta ay kaga jiraan la dagaalanka Al-shabaab.