Midowga Afrika ayaa sheegay in ay ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalalka Afrika ee ka howlgala dalka Soomaaliya ay ugu dambeyntii ka bixi doonaan Soomaaliya dhamaadka 2020.

Golaha Ammaanka  iyo Nabada ee Midowga Afrika oo warkan ka soo baxay toddaabkan ayaa ku soo beegmay xilli ay la kulmayaan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya dhaqaale darro iyadoo bilooyin ay qaar ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta aysan qaadan wax mushaar ah.

Qorshaha loogaga saaraya dalka Soomaaliya ciidamada AMISOM ayaa sheegaya in mas’uuliyada ammaanka dalka  si tartiib tariib ah loogu wareejin doono ciidamada milatariga Soomaaliya laga bilaabo 2018-December 2020.

Go’aankan ayaa la gaaray kadib kulan uu goluhu yeeshay 29kii June ee sanadkan iyagoo ka wadahadlay arrimaha ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee dalka Soomaaliya kuwaasoo tiradoodu gaareyso 22,000.

Golaha Ammaanka ee Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay in Midowga Yurub oo ah halka lacagta ugu badan ee ku baxda ciidamada AMISOM laga helo ay dardar gelin doonaan bixinta mushaaraadka AMISOM.

Midowga Yurub ayaa horaantii sanadkan waxa ay jareen boqolkiiba labaatan dhaqaalaha ay ku bixiyaan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa sababtay in dowlada Uganda oo ah dalka ay ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya ay ku hanjabto in ay ciidamadeeda ku sugan dalka Soomaaliya  kala baxayso dhamaadka sanadka 2017.

Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ayaa waxa ay isugu jiraan ciidamo ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Djibouti, Kenya, Sierra Leone iyo Ethiopia.

Xigasho:AP Waxaa tarjumay Mohamed Aseir