ANTOINE GRIEZMANN ayaa dabaal deg caan ah ku sameynaya Euro 2016, qanaaska France ayaa dhaliyay lix gool kadib lix kulan uu ciyaaray waxaana kamid aheyd labo uu ka dhaliyay Germany si uu martigeliyeyaasha balan ugu sameeyay Stade de France ee magaalada Paris.

Laakin maxay tahay sababta uu sidaasi ugu sameeyo ? waa jawaab sahlan, markii isaga la weydiyay waxa uu ula jeedo wuxuu yiri “Waa ciyaar ku jirta muuqaalkii Drake ee Hotline Bling, waxaan iloobay markii aan golashii hore dhaliyay, goolkii Albania aan ka dhaliyayn xamaasada aya badneyd waan iloobay, kii Ireland ee barbarha maba aanan xusuusneyn laakin waxaan xusuustay goolki labaad”.

Germany v France - EURO 2016 - Semi Final

“Waxaan ku sameeynayay markaan gool u dhaliyo Atletico, haatana mar dane ayaan dib ka xusuustay si aan u sameeyo”.

drake

Weeraryahankaan ayaa sanduuqa gurigiisa boos kaga sii baneystay meel uu ku keydiyo kabta dahabka ee tartankaan kadib markii uu dhaliyay lix gool isagoona sadex ka sareeya xidiga ugu soo dhaw.