Maxkamada sare ee dalka Spain oo uu fadhigeedu yahay magaalada Madrid ayaa go’aamisay in la soo gabagabeeyo kiiskii muddada dheer dhibaatada joogtaada ah ku ahaa Barcelona iyo xidigeeda Neymar ee ku saabsanaa qaabkii uu kabtanka ree Brazil ugu soo biiray Barcelona.nemar

Xaakinka maxkamada sare ee Jose de la Mata ayaa go’aamiyay wax ay Barcelona iyo Neymar ku farxeen oo ah in uu meesha ka saaray dacwadii shirkada ree Brazil ee DIS taas oo  Neymar iyo Barcelona ku soo dacwaysay in ay ka khiyaaneen lacagtii ay xaqa ugu lahaayeen in ay ka helaan iibkii Neymar ugu soo biiray Camp Nou. Shirkadan ayaa boqolkiiba 40% lahayd mulkiyada Neymar markii uu Santos ka tirsanaa waxayna ku dooday in la siiyay lacag ka yarayd intii ay xaqa u lahayd.

Laakiin xaakinka maxkamada sare ee qaranka Spain ee Jose de la Mata ayaa shirkadan dacwadeeda ka dhigay mid aan sal iyo raad lahayn wuxuuna soo xidhay kiiskii muddada ku socday Neymar iyo kooxdiisa Barcelona. Arintan ayaa guul wayn u ah  Barcelona iyo Neymar oo ka seexan waayay kiiskan oo muddo dheer ku socday. Neymar ayaa dhawaan saxiixay heshiis shan sano ah oo uu Camp  Nou ku sii joogi doono. 

Xeer ilaaliyaasha ugu sareeya maxkamada Spain ayaa hore Neymar, aabihii iyo madax waynihii hore ee Barcelona ee Sandro Rosell ku soo eedeeyay in ay lacag milyans ah ay ka khiyaameen shirkada DIS oo laga leeyahay dalka Brazil laakiin Barcelona, Neymar iyo aabihii ayaan dhamaantood cadeeyay in ayna wax danbi ah lahayn oo ayna wax qalad ah samayn.

Kadib muddo dheer oo lays jiid jiidanayay isla markana uu jaho wareer badani haystay kooxda Barcleona iyo xidiga kooxdeeda Neymar ayay ugu danbayn Barcelona guul ka gaadhay maxkadamda sare ee Spain ee Madrid ku talaa wuxuuna xaakinka Jose de la Mata uu go’aamin in kiiskaasi uu sidaa ku xidhmay. 

Barcelona ayaa hore u bixisay lacag dhan 5.5 milyan euors oo ahayd cashuur kaga baaqatay sanadihii 2011 kii iyo 2013 kii oo loo haystay madax waynayaasha Josep Maria Bartomeu iyo Sandro Rosell. Laakiin in kiiskii Neymar uu ka dhamaaday Barcleona ayaa ah mid ay si wayn u soo dhawayn doonaan Barcelona iyo Neymar.