Weeraryahanka maqan ee Karim Benzema ayaa meel iska dhigay eedeyntii uu hore ugu soo jeediyay macalinka qaranka France isagoo ugu hambalyeeyay dhamaan xulka gaarista finalka tartanka Euro 2016.

Gooldhaliyaha Real Madrid ayaan la soo xulan kadib ceebtii la sheegay inuu kula lug lahaa falkii muuqaalka anshax xumada ahaa looga duubay Mathieu Valbuena waxaan hore in badan su’aal looga keenayay awooda weerar ee xulka France la’aanta xidigaan laakin waxaa taasi been yiri Antonie Griezmann oo kala dhantaalay daafacyadii uu kaga horyimid tartanka.

Si kasta weerar Real Madrid ayaa ciyaarta ka hor qaatay bartiisa Instagram si uu niyada ugu dhiso ciyaartooyda xulkiisa isagoo soo qoray “Kaliya jismigeyga ayaa maqan, laakin qalbigeyga ayaa jooga, ciyaar weyn, waan awoodnaa”.

Markale ayuu qaatay bartiisa Twitter ka wuxuuna soo dhigay “Hambalyo dhamaan kooxda iyo shaqaalaha, ina keena, hal ciyaar ayaa dhiman” isagoo ula jeeday in hanashada koobka ay ka dhiman tahay kaliya kulanka finalka ee ay axada la ciyaari doonaan Portugal.