Ciidamo daacad u ah Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir iyo kuxigeenkiisa Reik Machar ayaa shalay ku dagaalamay Caasimada Jubba, iyadoo isku dhacan uu yahay kii u horeeyay ee labada ciidan dhex mara, tan iyo markii Reik Machar dib ugu soo laabtay magaalada Jubba.

Wakaalada wararka ee AP ayaa sheegtay in iska hor imaadka uu yimid markii kolonyo ay la socdeen Ciidamo daacad u ah Reik Machar ay rasaas ku fureen bar koontarool ay maamulaan Ciidamo daacad u ah Madaxweyne Kiir.

Labada ciidan ayaa kala gaar gaar u tagay qeybo ka mid ah magaalada Jubba, waxaana ay bar koontaroolo kala duwan ku leeyihiin waddooyinka.

Afhayeenka dowladda Koofurta Sudan Lul Ruai Koang ayaa sheegay in iska hor imaadka ay ku dhinteen shan askari oo labada dhinac isugu jiraan.

Madaxweyne Salva Kiir iyo kuxigeenkiisa ayaa durbaba arrintan ka hadlay, iyagoo ku heshiiyay inay la hadlaan Taliyeyaashooda, si xiisada loo joojiyo, isla markaana aanu dagaalka ku fidin Caasimada inteeda kale.

Labada ciidan ayaa muddo kala shakisanaa, tan iyo markii ciidamada daacada u ah Salva Kiir ay dib ugu soo laabteen Caasimadda Jubba.

Isku dhacan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalmo qura ay ka harsan tahay sanad-guuradii shanaad markii dowladda Koofruta Sudan ay qaadatay xornimada, isla markaana ka go’day Sudan inteeda kale.

Dhamaadkii sanadkii 2013 ayay aheyd markii dagaalo sokeeye ay ka qarxeen dalka Sudan, waxaana labo sano dalkaas ka socday dagaalo qaraar oo u dhaxeeyay Ciidamo kala taageersan Madaxweyne Salva Kiir iyo Reik Machar, inkastoo heshiisyo ay ka soo shaqeeyeen dowladaha Gobolka iyo Qaramada Midoobey xal looga gaaray dagaalka, isla markaana la dhisay dowlad wadaag labada dhinac ku mideysan yihiin