Shan ka tirsan Ciidamada Booliska magaalada Dallas ee dalka Mareykanka ayaa la dilay, halka lix kalena la dhaawacay, inta lagu guda jiray banaan bax looga soo horjeeday toogasho Booliska maalmihii la soo dhaafay u geysteen dadka madowga ee Mareykanka.

Arrintan ayaa ka dhalatay xiisad, iyadoo dibad baxyo looga soo horjeeday tallaabadaas ay ka dhaceen meelo ka mid ah Mareykanka.

Booliska ayaa heegan ku jira, iyadoo hal nin oo hubeysan lagu raad-joogo, halka saddex kalena xabsiga la dhigay.

Is rasaaseynta ayaa dhacday, iyadoo dibad baxyo ay socdeen, waxaana xaalada ay tahay mid kacsan, iyadoo dibad baxyada laga cabsi qabo inay soo xoogeystaan.

Booliska ayaa maalmihii la soo dhaafay toogasho ku dilay labo nin oo madow ah Minnesota iyo Louisiana.

Dadka madowga ee Mareykanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka tirsanayay cadaalad dadka caddaanka ah, iyadoo sanadihii la soo dhaafay ay dhaceen dhowr dilal loo geystay dadka madowga ah, kaasoo ka dhashay dibad baxyo.