Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa xabsiga u taxaabtay 12 ruux oo u dhalatay dalka Pakistan iyo 7 ruux oo u dhalatay dalka Sacudi Carabiya iyagoo loo haysto arrimo la xiriira weeraro ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Jeddah iyo Qatif.

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday masjidka Nabiga(NNKH) magaalada Medina isniintii aynu ka soo gudubnay ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay muwaadin u dhashay dalka Sacudi Carabiya oo 26 jir ahaa kaasoo lagu yiqiin in uu isticmaalo daroogada.

Wakaalada wararka ee SPA ayaa ka soo xigatay Wasiirka Arrimaha gudaha Sacudi Carabiya in Naer Muslim Hamad uu ka soo gudbay meel gawaarida la dhigto kadibna uu suun u xirnaa oo waxyaalaha qarxa ka sameysan ku qarxiyay isagoo halkaa ku diley afar askari.

War ka soo baxay Wasaarada Arrimaha gudaha ee boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa sidoo kale lagu magacaabay saddex ruux oo la sheegay in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Qatif iyadoo saddexdaa ruuxna aysan haysan dhalashada Sacudi Carabiya.

Boqorka Sacudi Carabiya Salman bin Abdulaziz Al Saud ayaa ku hanjabay in dowladiisu ay gacan  bir ah ugu jawaabi doonto weerarada qaraxyada ee lagu qaaday Sacudi Carabiya.

Wasaarada Arrimaha Gudaha Sacudi Carabiya ayaa magacawday qofkii ka dambeeyay weerar lagu qaaday qunsuliyada Maraykanka ee magaalada Jeddah halkaa oo uu ku dhintey qofkii weerarka ka dambeeyay oo kaliya.

Abdullah Waqar Khan oo ka soo jeeda dalka Pakistan 30 jir ah ayay dowlada Sacudi Carabiya ku tilmaantay inuu ka dambeeyay weerarkii magaalada Jeddah.

Dowlada Pakistan ayaa sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonto in dadkii ka dambeeyay weerarkii magaalada Jeddah ay ku jireen muwaadiniin ka soo jeeda dalkeeda. Weeraradii lagu qaaday boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen ururka ISIS